Sunday, September 14

Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaadatay hawlwadeenno ka socday Barnaamijka Cunnada Adduunka (World Food Program) gaar ahaan Madaxa  Xafiiska Kormeerka iyo Qiimaynta ee Somalia, Mudane Muzafar KAEMDIN, iyo Stanslus OKURUT.

Shirkan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqaynta, Kormeerka iyo Qiimaynta mashaariicda ay dalka kawado WFP si loo hubiyo hufnaanta iyo daahfurnaanta waxsoorka barnaamijyada cunnada ee dadka Soomaaliyeed  lagu caawinayo.

Agaasima Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta ee WQM&HDH, Mudane Maxamuud Siciid Nuur  oo hogaaminayay shirkaan ayaa dhankiisa tibaaxay muhiimada uu u leeyahay shirkan xoojinta wada shaqaynta, isla xisaabtanka iyo in si joogta ah kormeer iyo Qiimayn loogu sameeyo howlaha gargaar iyo kuwa soo kabasho ee ka socda Dalka.

Exit mobile version