(Hortabin Media) – Waxaa weli socota waan waanta iyo nabadeynta laga dhex wado beelihii dhawaan ku dagaallamay deegaanno hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dagaalka Ciidamada ayaa waxaa ku baxay waxgarad, odayaal, siyaasiyiin iyo bulshada rayidka, waxaana lagu wadaa in la is hor fadhiisiyo dhinacyadii dagaallamay, si colaada loo qaboojiyo.
Beelahan ayaa waxaa kala dhex galay ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, kuwaas oo ay dhawaan dowladda ka dirtay magaalada Muqdisho, waxaana lagu guuleystay in dagaalka la joojiyo.
Beelaha ayaa intii uu dagaalkooda socday, waxa uu dhaliyey khasaare aad u xooggan, waxaana la gubay aqalo badan, iyadoo la kufsaday haween ka soo kala jeeda labada dhinac ee ay colaadu ka dhaxeyso.
Dagaal beeleedkan ayaa lagu eedeeyey in ay hurinayaan siyaasiyiin iyo dad kale oo Al Shabaab la jaal ah, kuwaas oo doonaya in la cuuryaamiyo dagaalka looga soo horjeedo kooxdan falaagada ah.