Saturday, September 13

Xaaladda Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa degan kadib dagaallo culus oo shalay ilaa xalay ka socday halkaasi.

Dagaalkii shalay galab ka qarxay Baraawe ayaa u dhaxeeyey ciidamo ka tirsan xoogga dalka, iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalkii shalay galab ayaa qarxay kadib markii ciidamada Koonfur Galbeed ay dileen askari ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya, wuxuuna dagaalku isku baddelay mid qabiil.

Dhinacyadii dagaallamay ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, taas oo keentay in dadkii magaalada ay barakacaan.

Maanta xaaladda ayaa degan, waxaana dib u bilawday ganacsigii iyo isu socodkii gaadiidka ee gudaha Magaalada, waxaana xaaladda soo farageliyey maamulka Degmada.

Exit mobile version