Saturday, September 13

Waxaa si tartiib tartiib ah ku soo laabaneysa nolosha Magaalada Baladweyne oo hakad ku jirtay muddo bil ah, kadib fatahaadii xoogganeyd ee magaalada ku soo rogmatay bilawgii bishii hore.

Ganacsiga magaalada intiisa badan ayaa shalay dib u furmay, waxaana weli magaalada laga dareemayaa raadadkii ay ku reebeen biyihii xoogganaa ee buux dhaafiyey.

Waxaa sidoo kale shalay dib u furmay qaar ka mid ah xarumaha waxbarashada magaalada Baladweyne, iyadoo ay xusid mudan tahay in ardayda magaaladaasi aanay galin imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare.

Maamulayasha Iskuullada Magaalada Baladweyne ayaa tilmaamay in ay wadaan qorshe toddobaadka soo socda ay aradayda magaaladaasi ku galayaan imtixaankii dowladda ee dhaafay.

Dadkii faraha badnaa ee ka barakacay Magaalada Baladweyne, ayaa dib ugu soo laabanaya magaalada, taas oo wax badan ka baddeleysa xaaladdii adkeyd ee ka taagneyd Baladweyne tan iyo billawgii bishii aynu ka soo gudubnay.

Exit mobile version