Friday, September 12

Dib u soo laabashada Xasan Sheekh ee Villa Soomaaliya, oo kolkii labaad uu hantay, waxey Madaxweynaha dhaxalsiisay maalmo adag, kuwaas oo kelifay in ay kala weecdaan xubnihii ugu dhawaa Xisbigiisa UPD, oo Soomali u garan ogtahay Damul-Jadiid.

UPD ama Damul-Jadiid oo ahayd koox si fiican u soo shaac baxday muddo xileedkii hore ee Xasan Sheekh, ayaa ahaa saaxiibo dhanka tacliinta ku baheysnaa oo markii danbe usoo digo rogtay dhanka siyaasadda.

Qof walba oo Soomaali ah ayey ku adkeyd inuu Saadaaliyo in maalin un ay ragan kala weecan doonaan, waxaase wax kasta baddelay oo suuragal ka dhigay rabitaanka shaqsiyadeed ee hoggaamiyahooda Xasan Sheekh Maxamuud.

Waa kuwee ragga Xasan garabkiisa Faarujiyey

Waa dhab inaad is weydiineyso kuwa ay yihiin ragga ay madaxweynuhu Siyaasadda ku kala tageen, iyo waxyaabaha keenay in ay kala irdhoobaan.

Haddii aan kaaga Jawaabo weydiintaasi, wuxuu weli raadadkoodu qoyan yahay Wasiirkii Batroolka Cabdirasaaq Cumar iyo Duqii hore ee Caasimadda Yuusuf Xuseen Jimcaalle Maddaalle. Wasiir Cabdirisaaq ayaa xilkii Wasiirka batroolka waayey toddobaadkan gudihiisa halka Maddaale isna xilka laga xayuubiyey 10-kii bishan December.

Wasiirkii hore Batroolka Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa saaxiib dhaw la ahaa Xasan Sheekh, wuxuuse sida uu sheegay ay Madaxweynaha ku kala fogaadeen sida loo wajahayo arrinta la xiriirta tabashada ay Hirshabelle ka qabaan ee Hiiraan, waxaana Wasiir Cabdirisaaq laga diiday talooyinkii uu xalka u arkayey, taas oo sababtay in Xasan Sheekh uu amro in xilka laga xayuubiyo.

Yuusuf Xuseen Jimacaalle Maddaalle Duqii hore ee Caasimada ayaa isna xilka looga qaaday arrimo la xiriira Dhaqaalle ka soo xaroody dhulal danta guud ahaa oo ay isku qabsadeen Marwada Madaxweynaha.

Waxaa goor sii horeysay xilkiisii waayey Agaasimihii Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud, oo ahaa raga sanadihii ugu danbeeyey jaalka siyaasaded la ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo isna diiday in talada ay la yeesheen xubno ehel dhaw la ah Madaxweynaha oo ka shaqeeya Madaxtooyada.

Waxaa liiska dadka ay Madaxweynaha Siyaasada ku kala tageen, ugu cad cad Mahad Maxamed Salaad, oo soo laabashadii Xasan Sheekh ee Xafiiska uu u magacaabay Taliyaha Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, wallow uu markii danbe jagadaasi lumiyey kadib is Faham waa xal loo waayey oo isaga iyo Madaxweynaha soo kala dhex galay.

Sidoo kale waxaa xusid xildhiban Cabdiraxmaan Odowaa oo lagu xasuusta hardankii iyo dadaalkii uu ku bixiyey dib u doorashada Xasan Sheekh, Odawaa wuxuu xisbiga UPD ee uu xoghayaha u ahaa ka waayey wax masuuliyad ah oo lagu aamino, waxaana dhowr mar oo uu isaga daba laabtay Villa Soomaaliya uu ku hungoobay inuu u hirgalo yoolkiisa, kuna qanciyo Madaxweynaha inuu masuuliyad u igmado. Taas oo horseeday inuu daawade ka ahaado digreetooyinka uu sida joogtada uga soo baxayo Madaxtooyada.

Xasan Sheekh ayaa sida laga war haayo waxey hore u kala ambadeen Siyaasiga Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ahaa saaxiib ay isla soo jaanqaadeen bartamihii 90 meeyada, wallow Cabdikariin uu ka soo dhinac muuqday Xasan Teeramkiisii hore haddana dib u doorashadiisii wuxuu ahaa ragii ka haray olalaha Xasan Sheekh, wuxuuna sidaas ku noqday qofkii ugu horeeyey ee ka beyra dhinaciisa, inkastoo shaksiyaadka aan soo sheegnay ay dhabihii Cabdikariin qaadeen.

Yaa weli ka muuqda garabka Madaxweynaha

Haddaba maxey tahay sababta rasmiga ah ee waqtigan xasaasiga ah ay ragan u faarujiyeen garabka Xasan Sheekh?

Jawaabta oo kooban ayaa noqoneysa Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilligan si cad u diidan in talada lala yeesho, iyo saameynta ay xubnaha qoyskiisa ku leeyihiin howlaha dowladnimada iyo tan xisbiga UPD.

Quburo kale ayaase ku jawaabaya in Madaxweynuhu uu kasbanayo saaxiibo cusub oo siyasaadeed iyo dad ay dano ganacsi wadaagaan, waana sababta rasmiga ah ee keeneysa dhiiga cusub ee uu ku soo darayo siyaasadda, daaqadana uga tuurayo raggii mudada dheer la soo shaqeeyey.
Dhinaca kale waxaa jirta su’aal kale oo bulshada is weydiineyso taas oo ah Yaa xilligan ku soo haray Xisbiga UPD.

Sida la wada ogyahay waxaa maanta garab Xasan Sheekh weli aan faarujin laba nin, kuwaas oo ka soo haray saaxiibadii siyasaadeed ee mudada dheer la shaqeynayey Madaxweynaha.

Ninka koowaad ayaa ah Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ku magacaaban Wasiirka Waxbarashada halka kan labaadna uu yahay Xildhibaan Saabir Shuuriye.

Faarax Sheekh ayaa u muuqda mid ku qanacsan Xilka Wasiirnimo, iyadoo la rumeysan yahay in dantiisa shakhsiga ah ay ku qasbeyso inuu ka sii dhinac muuqda Xasan, waxaana haba yaraatee jirin door uu ku leeyahay hannaanka maamul ee uu majaraha u hayo Xasan Sheekh.

Hase ahaatee Xildhibaan Saabir Shuuriye, inkastoo wax masuuliyad ah uusan ku magacawneyn haddana sida xogaha rasmiga ah ay sheegayaan waa ninka xilligan ugu saameynta badan Saaxiibadii Damul-Jadiid, waxaana Saabir uu iminka yahay ninka keliya ee talada la daadihinayo Xasan Sheekh, wuxun oo xitaa ka saameyn batay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Abshir Bukhaarigii sida aadka ah ugu dhawaa Madaxweynaha.

Balse Saabir Shuuriyo oo loo arko in uu yahay gacanta midig ee Madaxweynaha, ayaa Xasan Sheekh u hayo howl ballaaran, taas oo ah suuq geynta dhulalka danta guud,

Saabir ayaa ah ninka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo ganacsatada dooneysa dhulalka dowlada, waxaana howsha uu hayo ay Saamaxday in Xasan Sheekh ay usoo xarootoo dhaqaalle badan, halka qoysas badan oo Soomaaliyeed ay noqdeen kuwo hoy la’aan ah.

Si kastaba dad badan ayaa Madaxweynaha ku xifaaleeya inuu si xowli ah u kaxeeyey tareenkii halheyska u noqday olalahiisa dib u doorashada, kaas oo sida la sheegayo soo de dejiyey in ay ka daataan saaxiibadiisii ugu dhawaa ee juhdiga iyo waqtiga galiyey soo laabashadiisa, waxaase dadka Soomaaliyeed ee talada ku leh dowladnimada ay is weydiinayaan sidii ay Madaxweynaha wax un ugu biirin lahaayeen, maddaama aragti kala duwanaanta ay ku kala irdhoobeen kuwii mudada dheer Siyaasad ahaan la duubnaa, taas oo abuureysa Jahwareer ku aadan halka uu Tareenku caga dhigo doona mustaqbalka iyo shakhsiyaadka Xasan halkaasi la gaari doona.

Exit mobile version