Friday, September 12

Ururka Xamaas ayaa weerar qorsheysan ku beegsaday mid kamid ah Saldhigyada Ciidanka Israa’iil ku leeyihiin Waqooyiga Dhulka ay ka heysato Falastiin gaar ahaan meelaha sida ah ay ugu faanto kuna sheegto in aanay u fududeyn in la weeraro.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Israa’iil laguna magacaabo Golani ayaa xeradaan ku leh inta u dhaxeysa Magaalooyinka Tel Aviv iyo Haifa, waxaa lagu soo beegay waqti ay kulan casho ah ay wada lahaayeen saraakiisha iyo ciidankaas.

Sarkaal katirsan Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in weerarkaas ay uga geeriyoodeen 4 askari halka ay ku dhaawacmeen 58 kale, waxa uu intaas ku daray in suuragal tahay in uu khasaaraha intaas ka kordho marka la eego sida uu weerarkaas u dhacay.

Warbaahinta ku hadasha Afka Cibriga ayaa sheegtay in qalabka casriga ah ee digniinta bixiya uu awoodi waayay in uu fariin diro si gododka dhulka hoostiisa ah ay u galaan una yaraato khasaaraha kasoo gaari kara weerarkaas.

Diyaaradaha Duulliye la’aanta ah ee Xisbullaah ayaa lagu beegsaday Xerada bartamaheeda, waxaa jira shaki weyn oo Yuhuudda ay ka muujinayaan in qalab ka daboolaya ama ka qarinaya raadaarka & qalabka Difaaaca ah lagu xiray Diyaaradahaas

Exit mobile version