Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF ayaa ku eedaysay dowladda Itoobiya in ay ku xad-gudubtay xuquuqaha dastuuriga ah ee Soomaalida ku nool deegaanka Soomaalida.
Sidoo kale, waxa ay sheegtay in Itoobiya ay jebisay heshiiskii nabadeed ee ay labada dhinac kala saxiixdeen sannadkii 2018-kii taasi oo keentay in kooxdu ay ku dhawaaqdo in ay ku raadinayso damaceeda siyaasadeed si nabad ah.
ONLF ayaa carabka ku dhuftay in Itoobiya ay ciidamo badan oo Milatari ah ku soo daabuleyso dowlad deegaanka, waxeyna ku eedeeyeen xukuumadda Addis in ay qeyb ku leedahay dagaal beeleedyada ku soo badanaya gudaha dowlad deegaanka Soomaalida.
Itoobiya ayey sidoo kale ku eedeeyeen in ay wado qorshe ay ku kala qeybineyso dadka Soomaalida ee dowlad deegaanka ku nool, iyagoo intaasi ku daray in ay heleen xogo sheegaya in la qorsheynayo in caasimada dowlad deegaanka laga badalayo Jig-Jiga.
Madaxda ONLF ayaa fariin adag u diray Itoobiya, iyagoo uga digay qorshayaasha ay ku kala qeybinayaan bulshada Soomaalida, taas oo sida ay sheegeen colaad hor leh horseedi karta.