Tuesday, March 10

Bariga Dhexe iyo dalalka Khaliijka, iyo sidoo kale Mareykanka, ayaa ka codsaday Ukraine in ay ka iibiyaan qalabka looga hortago drones-ka weerarka ah si ay uga hortagaan kuwa Iran ee loo yaqaan “Shahed”. Balse Kiev weli ma oggolaan in ay iibiso. Hadaba maxay tahay sababta?

“Dalabka drones-ka ayaa kordhay. Qof walba ayaa doonaya in uu iibsado iyagoo bixinaya qiimo kasta”, ayuu BBC-da u sheegay wakiil ka tirsan mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee sameeya drones-ka ka hortaga kuwa wax weerara, Sida uu sheegay, wafdi ka socda dalal badan oo Bariga Dhexe ah, khaliijka iyo Gacanka Bershiya ayaa hore ugu safray Kiev si ay arrintan ugala hadlaan Ukraine.

Wadamadan ayaa doonayay qalabkan ka hor inta uusan bilaaban dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Isreal oo dhinac ah iyo Iran, Warbaahinta Mareykanka ayaa ka hadashay in Mareykanka uu doonayo qalabkan looga hortago drones-ka weerarka ah si looga difaaco saldhigyadooda ku yaal Bariga Dhexe.

Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka Pete Hegseth ayaa ka hadlay drones-ka isagoo sheegay in diyaaradahaasi noqdeen “dhibaato ka weyn sidii la filayay”, Ukraine degdeg ugama jawaabeyso dalabka dalalka kale. Dadka ka shaqeeya qaar ka mid ah suuqyda hubka ayaa sheegay in ay jirto diido aan rasmi aheyn.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in dalkiisa uu codsi gaar ah ka helay Mareykanka si ay uga taageeraan diyaaradaha Drones-ka ee Bariga Dhexe, Maalmihii ugu dambeeyay Zelensky wuxuu arrintan kala hadlay hoggaamiyeyaasha Bahrain, Kuwait, Udun, Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

Sida ay u shaqeeyaan drones-ka difaaca


Si looga hortago drones-ka weerarka Ruushka, Ukraine waxay isticmaashaa dhowr nooc oo ay uga hortagto, Marka radaar-ka ama nidaamyada kale ay ogaadaan drone-ka cadowga, drone-ka difaaca ayaa duula, wuxuu gaaraa drone-ka cadowga, kadibna toos ayuu ugu dhacaa sidaas ayuuna ku burburiyaa. Drone-ka difaaca waxaa ku xiran kaamero si duuliyaha ula socda weerarka ku soo socda, Drones-kan difaaca waxay toban jeer ka jaban yihiin gantaalada difaaca oo lacag badan ay ku baxdo halkii xabo oo la rido.

Exit mobile version