Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK, Yvette Cooper, ayaa sheegtay in dalalka adduunka oo dhan ay go’aansadeen in ay isticmaalaan “dhammaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed, dhaqaale iyo kuwo isku dubaridan” si dib loogu furo Gacanka Hormuz.
Wareysi ay siisay Warbaahinta, Cooper ayaa sheegtay in in ka badan 40 dal ay iska kaashadeen taageeridda dib u furidda waddada biyaha muhiimka ah, Gacanku waxa uu ku dhow yahay in gebi ahaanba u xirmo ka dib markii Iiraan cadaadis weyn ku saartay maraakiibta sida Shidaalka caalamiga ah iyo qiimaha tamarta.
Sida aan hore u soo sheegay, Cooper ayaa martigelisay wada-hadallo ku saabsan dib u furidda Gacanka, Cooper ayaa si isdaba joog ah u cambaareysay weerarrada Iiraan ee “khatar gelinaya maraakiibta caalamiga ah” waxayna intaa ku dartay in Iiraan ay “dooneyso in ay afduubto dhaqaalaha caalamka”.
Waxay sharaxday in weerarradu ay saameyn ku leeyihiin sicirka guryaha iyo shidaalka ee UK, sidoo kale shidaalka diyaaradaha adduunka, bacriminta Afrika, iyo gaaska Aasiya, Cooper waxay sheegtay in shaqadeeda “ay tahay in ay gaarto go’aanno danta qaranka ee UK” iyo in waxa ugu wanaagsan ee sicirka nolosha ee Britain ka dhigi lahaa uu noqon lahaa in khilaafku dhammaado,Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, in ka badan 2,000 oo markab ayaa weli ku xayiran Gacanka Faaris.

