Friday, September 12

Sida ay tabisay warbaahinta dowladda, waxaa maalintii shalay ahayd dalka Itoobiya gaaray wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, kuwaas oo uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibedda, ahna ku simaha wasiirka, Xildhibaaan  Cali Maxamed Cumar (Balcad).

Socdaalka Wafdigan oo hadal heyn badan dhaliyey ayey ujeedadiisu tahay ka qeyb galka shirka 44-aad ee dalalka Midowga Afrika, kaas oo ku qabsoomaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah, ayaa looga hadli doonaa arrimo kala duwan, kuwaa oo laga soo qaadan karo xaaladda uu gobolku ku sugan yahay iyo sidii la isaga kaashan lahaa caqabadaha kala duwan ee ka jira dalalka Afrika.

Shirkan ayaa sida la rumeysan yahay inta uu socdo lagu soo qaadi doonaa, xiisada adag ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaa oo waqtigan aan lahayn wax wada shaqeyn ah, kadib heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland.

Wasiiru Dowlaha oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowladda, ayaa tilmaamay in aanay la kulmi doonin madaxda Itoobiya, ilaa inta ay ka tanaasulayaan damacooda biyaha Soomaaliya.

Safarka Dowladda Soomaaliya ee Itoobiya ayaa noqday mid dhaliyey hadal heyn fara badan, kaas oo siyaabo kala duwan ay uga fal-celiyeen shacabka Soomaaliyeed, maaddaama Itoobiya ay ku soo xadgudubtay Soomaaliya, isla markaana damaacineysa in ay qaadato qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Exit mobile version