Friday, September 12

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa shalay gaaray magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Wafdiga ayaa ka kooban wasiiro, xildhibaano, iyo saraakiil ciidan oo heer sare ah.

Ujeedka booqashada wafdigan ayaa la xiriira dardargelinta howlaha amniga ee gobolka Gedo, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada deegaanka, iyo qiimeynta xaaladda guud ee nabadgelyada ee magaalada Garbahaarey.

Waxaa lagu wadaa in wafdigu ay kulamo muhiim ah la yeeshaan maamulka gobolka, waxgaradka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si looga wada shaqeeyo qorsheyaasha amniga iyo horumarinta gobolka. Kulamadan ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab

Waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey shalay wafdiga magaalada Garbahaarey, iyadoo shacabka iyo maamulka Degmadda muujiyeen taageerada ay u hayaan dowladda Federalka Soomaaliya.

Dadka qaar ayaa aaminsan in wafdigan loogu tala galay qorshaha dowladda ee ku aaddan in ay la wareegto gobolka Gedo, halkaas oo sida la filayo noqoneysa ubuc ay kala dagaallamaan maamulka Axmed Madoobe, oo iminka khilaaf ba’an uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe.

Exit mobile version