Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Eritrea, isagoo halkaasi kula kulmay dhigiisa dalkaasi Isaias Afwerki.
Xasan Sheekh ayaa marti qaad ka helay Isaias Afwerki, waana sababta rasmiga ee keentay inuu ka dago Asmara, waxaana dhinacyadu ay ka wada hadlayaan arrimo badan oo muhiim ah.
Arrimaha ugu waa weyn ee xoogga ay saarayaan ayaa noqonaya xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhanka badda, maaddaama Eritrea qudheeda ay cabsi ka muujineyso qorshaha Itoobiya.
Waxaa kaloo kulankan looga wada hadli doonaa, sidii loo kordhin lahaa tirada ciidamada Soomaalida ee tababarka ku soo qaadanaya dalka Eritrea.
Booqashada Xasan Sheekh ee Eritrea ayaa qaadan doonta labbo casho, waxaana sanadihii ugu danbeeyey labada dal ay noqdeen kuwo jaal ah, oo iska taageera arrimo kala duwan, iyadoo ay xusid mudan tahay in Eritrea ay soo tababartay ciidamo badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo maanta ku sugan furimaha hore ee dagaalka.