Monday, September 15

Waxaa maalintii shalay ahayd Muqdisho yimid Hoggaamiyaha maamulka KMG ee degaanka SSC Cabdulqaadir Firdhiye, kaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey caasimada.

Wafdiga uu hoggaaminayo Firdhiye ayaa casuumaad ka helay dowladda dhexe, iyagoo kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda dowladda Soomaaliya.

Wafdigan ayaa la filayaa in kulankooda inta uu socdo ay dowladda dhexe ku qanciyaan in Khaatumo noqoto maamul xubin ka ah dowladda dhexe.

Waxa kale oo ay wafdigan dowladda dhexe u bandhigi doonaan khasaarihii ka soo gaaray dagaalkii Laascaanood, kaas oo ku raadinayeen midnimada Soomaaliya.

Hoggaamiyaha Khaatumo oo saxaafada la hadlay ayaa imaanshihiisa kadib yiri “Muqdisho waa hoyga ummadda Soomaaliyed, anaguna Qaranka Soomaaliyed Midnimadiisa iyo wadajirkisa, Ayaan u taaganahay.”

Inkastoo Khaatumo aanay buuxin nidaamka Fedraalka u degsan oo laga rabo labbo gobol iyo bar, haddana lama saadaalin karo natiijada ka soo bixi karta kulankaasi.

Exit mobile version