Monday, September 15

(Hortabin Media) – Shalay galinkii danbe Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Lafta-gareen ayaa kulan ballaaran la yeelanaya Madaxweyna Xasan Sheekh, kaas oo ugu yeeray inuu soo gaaro Dhuusamareeb.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotomo dhowr Ujeedo, waxana qorshaha koowaad uu yahay in la dhex dhexaadiyo isaga iyo siyaasiyiinta mucaaridka ku ah maamulkiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Lafta Gareen ayaa sidoo kale isla lafa guri doono, sidii ay Koonfur Galbeed uga billaaban lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha ay ku xooggan yihiin Al Shabaab, kuwaas oo go’doomiyey deegaanno dhowr ah oo maamulkaasi hoos yimaada.

Exit mobile version