Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Shiikh Muxuyadiin, ayaa heshiis la saxiixday Ku xigeenka Taliyaha Ciidamada guud ee Uganda, ahna ku-simaha Taliyaha Ciidamada dalkaas, Lt Gen Sam Okiding.
Heshiiskan ayaa sida la rumeysan yahay ku saabsan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaasoo bilaaban doona sanadka 2025, waxaana durba jira dalal badan oo daneynaya in ay howlgalkaasi ay qeyb ka noqdaan.
Dowladda Uganda ayaa hore u sheegtay in ay diyaar u tahay ka mid noqoshada howlgalka cusub Midowga Afrika ee AUSSOM, xilli ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo arrintan aanan ku qancin.
Dowladda Soomaaliya faah-faahin dheeraad ah kama bixin heshiiskan, inuu la xiriiro ka mid noqoshada howlgalka cusub ee dowladda Uganda, balse Ciidamada Uganda ayaa kamid ah askartii ugu horreeyay ee nabad ilaalin u yimaada Soomaaliya, iyaga oo ku howlgalaya magaca AMISOM, waxaana dowladdu ay u muuqataa mid arrintan ka gaabsaneysa.
Dhinaca kale, Sarreeye Gaas Ibraahim Shiikh Muxuyadiin oo hogaaminaya wafdi ka socda Soomaaliya, ayaa sidoo kale safaro ku tagi doona dalalka Burundi iyo Kenya. Safarradan waxay diiradda saarayaan sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo taageerada ciidamada ee ka imanaya dalalka Midowga Afrika, iyo qorshaha howlgalka cusub Midowga Afrika ee Soomaaliya.