Dowladda Turkiga iyo Soomaaliya ayaa khamiistii aynu ka soo gudubnay kala saxiixday heshiis u jeedkiisu yahay sahmin iyo qodis shidaal, waxaana heshiiskan uu noqonayaa mid taariikhi ah.
Hehsiiskan nuxurkiisa ayaa daba jooga heshiiskii difaaca dhanka badda ee ay labada dal dhawaan wada galeen, waxaana tallaabadan lagu tilmaami karaa mid xoojineysa xiriirka dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Sida ay sheegayaan warbixinada labada dal ay heshiiskan ka qoreen waa mid si gaar ah u beegsanaya keydka shidaalka ee aagga dhaqaalaha badda Soomaaliya, kaas oo aan wax horumarin ah lagu sameynin tan iyo dowladdii dhexe ee bur burtay.
Heshiiskan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah shidaal sahmin dhanka dhulka ah, waxaana ay labada dowladood u kala saxiixay Wasiirka Tamarta Turkiga Alparslan Bayraktar iyo Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Istanbul.
Heshiiskii difaaca dhanka badda ee ay labada dal wada saxiixdeen ayaa waxaa ku xusnaa in Turkigu ay horumarin ku sameyso Kheyraadka badda Soomaaliya, waana arrin lagu tilmaami karo tallaabo hore loo qaaday.
Turkiga ayaa muddo 10 sano ah dusha u ridanaya masuuliyad culus oo ku aaddan ilaalinta badda Soomaaliya, waxaase xusid mudan in ciidamada Turkiga ay hore uga howlgalayeen xeebaha Soomaaliya, maddaama ay qeyb ka ahaayeen ciidamadii la dagaallanka burcad badeeda ee ay Qaramada Midoobay aas aastay 2009, waxaana waaya aragnimadooda ay bidhaamineysaa in ay guullo ka soo hoyn karaa masuuliyada loo igmaday.
Heshiisyadii hore ee Shidaal sahminta iyo qodista
Kal hore Dowladda Mareykanka ayaa si cad u sheegtay in Soomaaliya ay leedahay keyd saliid iyo gaas, kuwaas oo dhan 30 bilyan oo barmiil, waxeyse sheegeen in ay u baahan tahay maaligelin, qaadaneysa wax ku dhaw 5 sano, waxaana sanadii 2022 ay Soomaaliya heshiis shidaal sahmin ah la gashay shirkadda Mareykanka ee Coastline Exploration.
Shirkadan ayaa laga saxiixay 7- ka mid ah xirmooyinka shidalka ee badda, waxaana sidii xilligaasi lagu dhawaaqay la qorsheeyey in shidaal qodista ay billaabayaan sanadkan inagu soo wajahan ee 2025, wallow aan la ogayn waxa iska baddelay heshiiskaasi.
Sidoo kale Maamulka Somaliland ayaa isna heshiis shidaal sahmin ah la galay shirkadda fadhigeedu yahay London ee Genel Energy 2022-kii, waxaana heshiiskaasi durtay dowladda Soomaaliya oo ku tilmaantay mid sharci darro ah, oo aan suura gali karin, maaddaama Somaliland ay tahay maamul ka mid ah Soomaaliya.
Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa aaminsan in waqtigan la joogo xilligii ay Soomaaliya ka faa’iideysan lahayd kheyraadka ceegaaga badeeda iyo barigeeda, waxaana heshiiskan uu u muuqdaa mid hididiilo leh, isla markaana mudan soo dhaweyn.