Thursday, September 11

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tunisia ayaa u yeertay sarkaal ka tirsan safaaradda Mareykanka ee dalkaasi dib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken uu walaac ka muujiyay dimuqraadiyadda Tunisia.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Tunisia, Othman Jerandi ayaa u sheegay Sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Tunisia Natasha Franceschi in hadalka kasoo yeeray Xoghayaha Arimaha Dibadda uu ka dhigan yahay “faragelin aan la aqbali karin oo lagu hayo arrimaha gudaha ee qaranka”, ayay wasaaraddu ku tiri hadal ay soo saartay.

Blinken waxa uu walaac ka muujiyay dimoqraadiyada Tunisia ka dib markii madaxweyne Qays Saciid uu soo saaray dastuur cusub oo madaxweynaha siinaya awoodo badan.

Dastuurka cusub ayaa lagu ansixiyay afti ayaa dadweyne Isniintii, sanad ka dib markii madaxweyne Qays uu albaabada isugu dhuftay baarlamaanka dalkaasi.

Axmed Dhaqane, Hortabin Media

Exit mobile version