Friday, September 12

Maraxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in xaaladda la dejiyo ka dib markii ay soo shaac baxeen hanjabaadyo ka dhan ah FBI-da iyo Waaxda Cadaaladda kuwaas oo looga falcelinayo weerarkii lagu qaaday hoyga madaxweynihii hore ee Mareykanka ee Mar-a-Lago.

“Dadku aad ayay uga caroodeen waxa dhacaya,” ayuu Trump ku yiri wareysi uu siiyay Fox News Digital. “Wax kasta oo aan sameyn karno si aan u dajino xaalada weynu sameyneynaa – sababtoo ah waa in hoos loo dhigaa caradda ka jirta dalka. Haddii aysan taasi dhicin, waxyaabo xun ayaa dhici doona,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Trump ayaa mar kale dhex maquuranaya fadeexooyin siyaasadeed ka dib markii FBI-da ay weerareen hoyga uu ka degan yahay gobolka Florida todobaadkii hore halkaas oo ay ka qaateen dukumentiyo sir ah.

Taageerayaasha Trump, oo ay ku jiraan sharci-yaqaannada Jamhuuriga, ayaa ku eedeeyay Waaxda Caddaaladda iyo FBI-da inay noqdeen aalado gacanta ugu jira xisbiga Dimuqraadiga. Ma cadda in Trump uu mar kale u tartami doono doorashada madaxtinimada ee 2024-ka.

Trump ayaa weerarkii Mar-a-Lago ee hoygiisa ku tilmaamay “weerar qarsoodi ah” oo ay FBI-da ku qaateen wax kasta oo ay rabaan. Trump ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha FBI-da ay amar ku bixiyeen in la damiyo kaamirooyinka, isla markaana aysan cidna u ogolaanin qolalka ay baarayeen isagoo intaa ku daray in FBI-da laga yaabo in ay waxyaabo qarsoodi ah ku rakibeen hoygiisa.

Si kastaba ha ahaatee, doorashooyinka horudhaca ah iyo kuwa kale ee deegaanka ayaa muujiyay in madaxweynihii hore uu wali awood weyn ku leeyahay gudaha xisbiga Jamhuuriga.

Shukri Dahir, Washington

Exit mobile version