Thursday, February 5

Dowladda Maraykanka ayaa ka saaraysa toddoba boqol oo ciidamo federaal ah gobolka Minnesota, halkaas oo ay toddobaadyo ka jireen iska hor-imaadyo la xiriira ololaha adag ee Madaxweyne Trump ka dhanka ah socdaalka.

Mas’uulka xuduudaha ee Trump, Tom Homan, ayaa sheegay in dhimistaasi ay dhaqangelayso isla markiiba, balse ma uusan sheegin in ay ka bixi doonaan magaalada Minneapolis amase guud ahaan gobolka.

Wuxuu sheegay in horumar weyn laga sameeyay isku-duwidda lala yeeshay mas’uuliyiinta maxalliga ah. Homan ayaa loo diray Minneapolis isagoo ballanqaaday in hawlgallada laga dhigi doono kuwo ammaan badan, kaddib markii Renee Good iyo Alex Pretti ay ku dhinteen toogasho ay geysteen ciidamo federaal ah intii ay socdeen mudaharaadyo.

(Ka bixitaankan ayaa la filayaa inuu meesha ku reebo qiyaastii laba kun oo wakiillo federaal ah.), Sida warbaahinta caalamku daabaceen Tom Homan ayaa ku dhawaaqay in 700 sarkaal oo ka tirsan fulinta socdaalka laga saarayo gobolka Minnesota. Wuxuu sheegay in marka ay baxaan kaddib ay weli ku harayaan gobolka qiyaastii 2,000 sarkaal.

Homan ayaa sheegay in ka hor intii aan la kordhin tirada bishii Diseembar ay caadi ahaan jireen ku dhowaad 150 sarkaal oo halkaas la geeyo.

Bishii hore, Duqa magaalada Minneapolis, Jacob Frey, ayaa sheegay in ay magaalada ku sugnaayeen inta u dhexeysa 3,000 ilaa 4,000 oo wakiilo federaal ah, kuwaas oo aad uga badnaa ku dhowaad 600 askari oo booliis maxalli ah oo ay magaalada leedahay.

Exit mobile version