Thursday, September 11

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa cashuuro culus dul dhigay badeecadaha laga keeno dalal badan oo caalamka ah, si uu u dhiirrigeliyo wax-soo-saarka gudaha. Shiinaha (34%), Vietnam (46%), iyo Cambodia (49%) ayaa ka mid ah dalalka uu cashuuraha ugu sarreeya ku soo rogay.

Tallaabadan waxay sare u qaadi kartaa qiimaha badeecadaha Mareykanka, taasoo sicir-barar horseedi karta. Dalalka la saaray cashuuraha waxay halis ugu jiraan hoos u dhac ganacsi iyo shaqo la’aan, halka qaar ka mid ah ay ka falcelin karaan iyagoo iyaguna cashuuro dul dhigaya badeecadaha Mareykanka.

Dagaal ganacsi oo hor leh ayaa laga cabsi qabaa, iyadoo xiriirka ganacsi ee caalamiga ah uu sii adkaan karo. Dhibaatooyinka ugu badan waxay taabanayaan warshadaha wax-dhoofinta sida dharka, elektiroonigga, iyo baabuurta, gaar ahaan dalalka sida Shiinaha, Midowga Yurub, iyo Bangladesh.

waa kuwaan dalalka Trump uu kusoo rogay canshuuraha adag :

Shiinaha: 34%
🇪🇺 Midowga Yurub: 20%
🇻🇳 Vietnam: 46%
🇹🇼 Taiwan: 32%
🇯🇵 Japan: 24%
🇮🇳 Hindiya: 26%
🇰🇷 Kuuriyada Koonfureed: 25%
🇹🇭 Thailand: 36%
🇨🇭 Switzerland: 31%
🇮🇩 Indonesia: 32%
🇲🇾 Malaysia: 24%
🇰🇭 Cambodia: 49%
🇬🇧 Boqortooyada Ingiriiska: 10%
🇿🇦 Koonfur Afrika: 30%
🇧🇷 Brazil: 10%
🇧🇩 Bangladesh: 37%
🇸🇬 Singapore: 10%
🇮🇱 Israa’iil: 17%
🇵🇭 Filibiin: 17%
🇨🇱 Chile: 10%
🇦🇺 Australia: 10%
🇵🇰 Pakistan: 29%
🇹🇷 Turkiga: 10%
🇱🇰 Sri Lanka: 44%.

Exit mobile version