Thursday, September 11

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta Muxaafidka ah waxa uu ku amaanay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo dambiyo dagaal culus galay isla markaana ay raadsaneyso Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee (ICC).

Donald Trump ayaa mar wax laga weydiiyay sida uu u arko Dagaalka ka socda Gaza iyo culeyska xooggan ee saaran Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu waxa uu si fudud ula soo booday in uu yahay “Geesi Dagaal”.

“Waa nin wanaagsan, waa dagaal yahan, waa geesi aan si wadajir ah u wada shaqeyno, waxa ay isku dayayaan in ay xabsiga dhigaan”. Ayuu yiri Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ku dheeraaday sifada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Falcelin xooggan ayaa kasoo laabatay hadalkaas, xubno kamid ah muxaafadka iyo mucaaradka Israa’iil ayaa ku tilmaamay ka badbadin aan la barxin, waxa ay sheegeen in haddii Netanyahu uu hayay geesi dagaal uu soo furan lahaa Maxaabiista laga hayo.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay wareysiga uu bixiyay kuna bogaadiyay Dagaalka uu ku jiro Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo diiwaanka loo geliyay xasuuq, cunaqabatayn iyo dayac mas’uuliyad oo Israa’iil dhexdeeda ah.

Exit mobile version