Donald Trump ayaa i jediyay khudbad dheer caawa, isagoo sheegay in dagaalku “si dhakhso ah u dhammaan doono.”
Wuxuu yiri:“Toddobaad gudihiis waxay 100% nagu soo weerari lahaayeen. Way diyaar ahaayeen. Waxay haysteen gantaallo aad uga badan intii la filayay, waxayna qorsheynayeen inay na weeraraan, laakiin sidoo kale waxay weerari lahaayeen Bariga Dhexe oo dhan iyo Israel.”
Wuxuu intaas ku daray:“Haddii ay lahaan lahaayeen hub nukliyeer ah, waxay u isticmaali lahaayeen Israel. Weerarkaas wuxuu noqon lahaa mid aad u weyn. Waxaan ogaa inay haysteen dhammaan goobaha gantaallada iyo qalabka lagu tuuro gantaallada, kuwaas oo aan baabi’inay qiyaastii 80% hadda. Sida aad aragtaan, weerarradu way yaraadeen. Waxay haystaan tiro yar oo gantaallo la ridi karo.”
Dhinaca kale Donald Trump ayaa sheegay in hadda ay jiraan dhowr bartilmaameed oo Maraykanku weli aan gaarin, balse la burburin karo “hal maalin gudaheed.”
Wuxuu yiri:“Waxaan sugaynaa inaan aragno waxa dhaca ka hor inta aan weerarin.” Wuxuu intaas ku daray in bartilmaameedyadan ay si fudud loo beegsan karo, balse burburka goobahaas uu noqon karo mid halis weyn ku ah Iran.
Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu u shaqeynayo xawaare ka sarreeya jadwalkii loo dajiyay ahaa ee howlgalkan, Wuxuu yiri:“Ma filaynin in hal bil ka dib aan halkan joogno,” taasoo ku beegan 10 maalmood kadib markii Mareykanka iyo Israel ay bilaabeen weerarrada ka dhan ah Iran.
