Walaac ba’an ayey waqtigan dunida carabta iyo urur diimeedyada kale ee Caalamka ka muujinayaan, qorshaha uu xusul duubka ugu jiro Madaxweynaha Mareykanka Trump, kaas oo damacsan inuu dadka Falastiiniyiinta ka raro GAZA.
Toddobaadkan In ka badan 70 urur diimeed oo gudaha Mareykanka ka dhisan, islamarkaana u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqay Trump inuu ka laabto qorshaha lagu barakicinayo dadka reer GAZA.
Ururradan ayaa walaac ka muujiyay qorshaha buuqa badan dhaliyay ee Trump uu ku doonayo inuu ku barakiciyo dadka ku nool marinka GAZA, islamarkaana dhulkooda uu gacanta ku dhigo oo uu mashaariicda asaga u gaar ah ka sameysto sida uu horey u sheegay.
Dalalka dunida intooda badan, gaar ahaan kuwa Islaamka iyo Carabta ayaa damaca Madaxweyne Trump si weyn u diiddan, waxaana la filayaa in 27-ka bishan madaxda dalalka Jaamcadda carabtu ay Magaalada Qaahira ku yeeshaan shir degdeg oo arrintaas ku saabsan.