Friday, September 12

Waxaa guud ahaanba la soo gebo-gebeeyey tirinta codadka guud ahaan lixda gobol ee Somaliland, sida uu sheegay Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf.

Dhamaadka tirinta codadka ayaa waqtigan ka dhigan in la sugayo oo qura ku dhawaaqista natiiada doorashada, taas oo in badan bulshadu ay u dhag taagayaan.
Sida ay sheegayaan natiijooyinka horu-dhac ah, waxaa codadka ugu badan hantay xisbiga Wadani, oo ahaa midkii ugu cad cadaa mucaaridka, waxaana xisbigaasi u sharaxnaa Cabdiraxman Cirro.

Kulmiye oo ah xisbiga mudada dheer talada hayey, iminkana doorashada uu ku matalayey Muuse Biixi, ayaa booskaasi lumiyey sida ay sheegeyso natiijada horudhaca ah.

Xisbiga seddexaad oo ahaa UCID ayaa isagu helay codadkii ugu yaraa, waxaana xisbigan hoggaaminayey sanado badan musharaxa Feysal Cali Waraabe, kaas oo muddo dheer gucla orad ugu jiray inuu hoggaamiyo Somaliland, balse ku guuldareystay.

Si kastaba waxaa laga dhur sugayaa natiijada doorashada Somaliland, taas oo ahayd mid dimuqoraadi ah, waxaana beesha caalamku ay ku talinayaan in dhinacyadu ay aqbalaan natiijada kama danbeysta ah ee la filayo in ay soo baxdo saacadaha soo socda.

Exit mobile version