(Hortabin Media) – Waxaa la shaaciyey tirada shaqaalaha Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta ee lagu dilay Gaza, sida barteeda Twitterka ay ku sheegtay Hay’addan oo loo soo gaabiyo UNRWA.
Sida laga soo xigtay hay’adan waxaa Axaddii Gaza lagu dilay 29 ka mida shaqaaleheeda, tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.
Tirada dhimashada shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Gaza ku sugan ayaa sabtidii ahayd 17 qof, hase ahaatee cadadda ayaa korortay markii Axaddii ay geeriyoodeen tiro kale.
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay inta badan shaqaalaha geeriyooday ayaa ahaa macallimiin, iyadoo ay xusid mudan tahay in xarumaha ay maamusho UNRWA ay gabaad u yihiin dad tiro badan oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza laga soo xigtay in duqeymaha Israa’iil ee dhanka cirka ay ku geeriyoodeen inta la diiwaan galiyey 4,600 oo Falastiiniyiin ah, waxaana intaasi sii dheer in Israa’iil ay Gaza ka jaratay sahaydii, shidaalkii, biyihii iyo korontadiiba.