Thursday, March 26

Waxaa adag in si madax-banaan loo xaqiijiyo dhammaan tirooyinka, haddana inta la ogyahay tirada dhimashada ayaa u muuqata inay kor u dhaaftay 4,500 oo qof.

Inkasta oo ay adag tahay in si madax-bannaan loo xaqiijiyo dhammaan tirooyinka, haddana tirada dhimashada dagaalka Bariga Dhexe waxay u muuqataa inay dhaaftay 4,500.

Iiraan ayaa ah halka ugu badan ee khasaaruhu soo gaaray, iyada oo urur xuquuqda aadanaha ah oo saldhigoodu uu yahay Maraykanka HRANA uu qiyaasayo in dhimashadu ay gaartay 3,291, ayna ku jiraan 1,455 qof oo rayid ah.

Lubnaan, oo ay Israel ka waddo duqeymo ka dhan ah Hezbollah ayaa waxaa ku dhintay 1,072 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan, Sida ay sheegeen masuuliyiinta Ciraaq, ugu yaraan 81 qof ayaa ku dhintay dalkaasi, badankoodna waa xubno ka tirsan Xashd al-Shaabi (Ciidamada Abaabulka Dadweynaha), kuwaas oo xiriir la leh Iiraan.

Israel ayaa dhankeeda soo warisay 18 dhimasho, badankoodna ka dhashay weerarro gantaallo ah. Ciidanka Israel ayaa sheegay in laba askari lagu dilay koonfurta Lubnaan, Mareykanka ayaa isna dagaalka ku waayay 13 askari, oo ay ku jiraan lix ku dhintay shil diyaaradeed oo shidaal siinaysay diyaarado kale, shilkaasi oo ka dhacay hawada Ciraaq.

Dhacdo gooni ah ayaa iyaduna dishay toddoba qof oo ku sugnaa Qatar, kadib markii helikobtar cilad ku timid intii lagu jiray “hawl caadi ah”, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca Qatar, sidoo kale Wasaaradda difaaca Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijisay sagaal dhimasho, oo ay ku jiraan saddex askari iyo lix rayid ah.

Kuwait ayaa dhankeeda soo warisay lix dhimasho, oo ay ku jiraan laba sarkaal oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha iyo laba askari, Duqeymo ayaa sidoo kale la sheegay inay dileen afar qof oo ku sugnaa Suuriya, afar Daanta Galbeed ku dhintay, laba Baxrayn, laba Cumaan, iyo laba kale oo ku Sacuudi Carabiya.

Exit mobile version