Sanadka 2026 ayaa u billaabmay si murugo leh, ayadoo dadka ka cararaya colaadaha, saboolnimada iyo tacaddiyada ka jira Afrika iyo Bariga Dhexe ay xabaal u Noqatay badda Mediterranean-ku.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka (IOM) ayaa ku dhawaaqday in tirada dhimashada baddu ay kor u kacday si aan hore loo arag, taas oo ka dhigaysa bilowga sanadkan mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa tan iyo 2014.
Warbixinta IOM ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 990 muhaajiriin ay ku dhinteen ama lagu waayay Mediterranean-ka saddexdii bil ee ugu horreeyay sanadkan.
Keliya Mediterranean-ku oo ah marin-biyoodka ugu khatarta badan waxaa ku dhintay 765 qof, tiradaas oo ka badan 460 marka loo barbar dhigo isla xilligii sanadkii hore.
Tani waxay muujinaysaa heerka halista ee ay dadka ku qasbanaadeen inay la kulmaan, xilli ay ka baxsanayaan dagaal, macaluul iyo cabburin.
Tobankii maalmood ee u dambeeyay oo keliya, in ka badan 180 qof ayaa lagu la’yahay shan shil oo isku xiga, ayadoo Kuwoodik ugu darnaa uu dhacay Axaddii, markaasoo doon ay saarnaayeen qiyaastii 120 muhaajiriin ay ku degtay badda Mediterranean-ka ka dib markii ay ka soo shiraacdeen Tajoura, Libya.
Roobab xooggan iyo dabeylo ayaa sababay in doonta yar ay la tacaali weydo mawjadaha, iyadoo in ka badan 80 qof la waayay, 32 qof oo keliya ayaana laga soo badbaadiyay, waxaana loo qaaday jasiiradda Lampedusa.
Libya ayaa weli ah halka ugu weyn ee tahriibka laga soo qaado, tan iyo burburkii siyaasadeed ee ka dhashay kacdoonkii 2011, Fowdada dalka ka jirta ayaa ka dhigtay meel lagu tacaddiyo muhaajiriinta, iyagoo ku dhacaya gacmaha kooxo dadka iibsada, shaqo ku khasba, ama ku gurya-beela xeryo ku yaalla saxaraha iyo xeebaha.
Si kastaba, kumannaanka qof ayaa wali isku dayaya inay halistan galaan, iyagoo rajeynaya nolol ka wanaagsan Yurub, ayadoo Jasiiradda yar ee Lampedusa ay mar kale noqotay albaabka ay ku soo hirtaan dadka ka badbaada socdaalkani.
Maalmo kahor, 19 qof oo kale ayaa meydkooda laga helay dooni ku soo xirtay meel u dhow jasiiradda, halka 58 qof la soo badbaadiyay, kuwaas oo ay ku jiraan carruur iyo haween xaalado adag ku jiray.
Hay’adda IOM ayaa sheegtay in tiradan kororka ahi ay muujinayso mid ka mid ah bilowga sannadkii ee ugu dhimashada badnaa tan iyo markii la bilaabay diiwaangelinta rasmiga ah ee arrintan sanadkii 2014-kii.
