Saturday, September 13

Dowladaha Soomaalya iyo Ugandha ayaa ka warbixiyey tiradii ciidamadii lagu dilay weeraradii ay Al Shabaab ku qadeen saldhigii ciidamada Dowladda ee Masagawaay iyo midkii ATMIS ay ku lahaayeen Buulo Mareer.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaalla oo ka jawaabayey su’aal ay weydiiyeen TV-ga Universal oo la xiriirtay khasaarihii ka dhashay weerarkii Masagawaay, ayaa xaqiijiyey in ciidamada dowladda halkaasi looga dilay 9-askari.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay, in weerarkasi intii uu socday ay iska caabiyeen Al Shabaab, wuxuuna been abuur ku tilmaamay, gaadiidka ay soo bandhigeen Al Shabaab, oo ay sheegeen in ay ka soo furteen saldhigi Masagawaay.

Dhanka Kale Madaxweynaha Ugandha Yoweri Museveni oo isna ka hadlay weerarkii lagu qaaday ciidamadii Ugandha ee ku sugnaa saldhiga Buulo Mareer, ayaa carabka ku dhuftay in halkaasi looga dilay askar tiradoodu gaareyso 54-askari.

Madaxweynaha Ugandha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkii Al Shabaab, ee sheegayey in Saldhiga Buulo Mareer ay ku dileen 137-askari oo Ugandha ka soo jeeda.

Weerarada Al Shabaab ay ku soo qaadayaaan saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ayaa kordhaya, waxaana halkaasi inta badan ka dhasha khasaare kala duwan oo soo gaara ciidamada xoogga iyo kuwa Midawga Afrika.

Exit mobile version