Friday, September 12

Mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa kordhayey dhallinta Soomaaliyeed ee dhanka qaldan ka isticmaasha baraha bulshada, waxana xooggoodu ay adeegsadaan TikTok.

Mareegta xiriirka bulshada ee TikTok oo  laga leeyanay dalka shiinaha, ayaa isticmaalkeedu ku badanayaa soomaaliya, waxaana saa’id u adeegsada, dhalinyaro Soomaaliyeed oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Dadka isticmaala TikTok, ayaa soo dhiga muuqaalo ay kooban yihiin daqiiqadaha ay soconayaan, waana mid muuqaalka qofka deg deg u gaarsiineysa kumannaan qof ama malaayiin, iyadoo la tixgalinayo qofba inta uu kan kale ka asaxaab badan yahay.

Gabdhaha Soomaalida oo lagu yaqaanay asturnaan, ayuu dhaqankoodii wacnaa ka dhalan rogay TikTok, waxaana ku arkeysaa hablo baneeyey xubnihii jirkooda ugu muhiimsanaa, oo misana ku qanacsan howsha ay ku jiraan, taasoo aan Soomaalida looga baran.

Gabdhahan kuwooda jooga dalka ayaa ka raadiya isticmaalka TikTok in ay magac ka sameeyaan, waxana jira kuwa qurbaha jooga oo keliya daneeya dhaqaalaha ka soo baxaya muuqaalka ay duubaan.

Dhallinyarada aadka u da’da yar ayaa ka dhaxlay mareegtan, inuu hoos u dhac ku yimaado heerkooda tacliin, waxana la diiwaan galiyey arday badan oo ku dhacday imtixaanaadkii la qaaday, kuwaasoo ahaa kuwii sida xooggan u isticmaali jiray barnaamijkan.

Waxaa si weyn la isugu raacsan yahay in baraha bulshada ay Soomaalida u horseedeen dhobaatooyin kala duwan, iyadoo ilaa iyo iminka la heynin doorkii culumada ee la xiriiray wacyi galinta dadkan sameynaya waxyaabaha ay diintu reebtay.

Exit mobile version