Thursday, September 11

Tik-Tok ayaa noqday mareeg caqabad aad u fara badan xilligan ku heysa dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana badankood ay ku gudbiyaan fariimo aan anshaxa dhaqanka iyo diinta aan ku saleysneyn.

Mareegtan ayaa waqtigan ah mid ay dhallinyaradu u adeegsadaan si aad ah, waxaana qaarkood ay yihiin kuwo isku aflagaadeeya, halka kuwo kalana ay ka abuuraan kicin dad weyne, iyagoo adeegsanaya qabyaaladda.

Isticmaalka internetka aan xadidneyn ayaa qasbay in caruur iyo dhalinyaro badan ay ka haraan tacliinta, waxana kuwa da’da yar ay aad u xiiseeyaan oo ay badi waqtigooda ku lumiyaan Mareegta Tiktok-ga oo shiinaha laga leeyahay,waana mid sidoo kale doorisay dhaqanka qeyb ka mid ah hablaha Soomaalida oo ku soo bandhiga muuqaalo aysan bulshadu jecleysan.

Dhacdadii ugu danbeysay waxey toddobaadkan ka dhacday gudaha Muqdisho, halkaas oo ay koox dhallinyaro ah oo gabdho u badan ay ka wadeen arrimo la xiriira kicin dad weyne oo salka ku haya arrimo qabyaaladeed, waxaase xabsiga u taxaabay Booliska Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa kal hore shaaca ka qaaday in ay dalka ka xireyso qaar ka mid ah baraha bulshada ee ay Soomaalidu sida aadka ah u isticmaasho, waxaana ka mid ah Tiktok, Telegram iyo aaladda qamaarka lagu dheelo ee 1XBET, balse go’aankaasi ma dhaqan galin.

Si kastaba dhaqan xumada ay dhallinyarada isticmaasha TiK-Tok wadaan ayaa maalinba maalinta ka danbeysa sii kordheysa, iyadoo ay yar yihiin tallaabooyinka ay dowladdu qaadeyso, waxaana xusid mudan in qaar ka mid ah dhallinyaradan ay ku sugan yihiin dalka dibadiisa.

Exit mobile version