Sunday, September 14

Waxaa Maanta si rasmi ah Garoonka Injineer Yariiso Ex Koonis uga furmay Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir, oo sanadkan ka qeyb galayaan Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad, kuwaas oo tiradoodu ay isku noqoneyso 21 degmo.

Kulanka ugu horeeya ee maanta lagu furay ayaa waxaa wada ciyaaray Degmooyinka Gubadleey iyo Hiliwaa oo ah labo degmo oo daris ah, waxaana tartankan daah furay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Yuusuf Xuseen Jimcaalle Madaalle oo halkaasi ka jeediyey hadal kooban, oo u badan Mahadcelin.

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo isna madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyey xiisaha uu tartankani leeyahay, oo ku tilmaamaamay tartan la wada sugayey

Gudoomiye Yabooh ayaa sidoo kale boggaadiyey sida habsamid leh ee ay degmooyinka u muujiyeen diyaar-garowga, isagoo tartankan ku tilmaamay mid daris wanaag ah oo bulshada isku soo dhaweynaya.

Kulankii maanta dhacay ee ay isku wajaheen Degmooyinka Gubadleey iyo Hiliwaa ayaa ahaa mid aad u xiiso badan, waxaana uu ku soo idlaaday bar-bar dhac 0-0 ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in degmada Gubadleey ay tartankan difaacaneyso, maddaama ay sanadkii hore iyagu ku guuleysteen.

Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka gobolka Banadir oo sanadkiiba mar la qabto ayaa ka mid ah tartamada kubadda cagta ee ugu xiisaha badan, waxaana Garoomada soo camira taageerayaal fara badan oo ka kala socda degmooyinka tartankan wada ciyaaraya, iyadoo qof walba uu taageero u muujiyo degmada uu degan yahay.

Exit mobile version