Thursday, September 11

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayasha Qaranka ayaa qabatay tartan sports oo lagu maamuusayay Xuska 81 sano guurada aas aaskii ururkii SYL.

Tartan Ciyaareedkaan  ayaa  loo qabtay dhalinyaro iskugu jiray Gabdho iyo Wiilal ka mid ah soo laabtayaasha, Barakayaasha iyo Qaxootiga  Dalka jooga si loo xoojiyo is dhexgalka, laguna dhiiirigaliyo dhalinyarada dalka dib ugu soo laabatay.

Tartan Ciyaareedkaan  oo xiiso gooni ah lahaa ayaa qeybta gabdhaha waxaa loo qabtay Ciyaaraha Fudud.

Sidoo kole Kooxda Ku dheeleysay Magaca Kooxda Soo laabtayaasha ayaa ku Guuleysteen Koobka kubadda Cagta.

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayasha Qaranka ayaa didaal badan ku bixinaysa garab siinta, dhiiri galinta iyo hal abuurka dhalinyada dalkooda dib ugu soo laabtaay iyo kuwa ku barakacay gudaha Dalka si ay qeyb kaga noqdaan horumarka dalka.

Exit mobile version