Friday, September 12

Dowladda Talyaaniga ayaa sida xogaha aan haleyno sheegayaa qorsheyneysa in ay kulan-siiso Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Itoobiya Abiy Axmed, iyadoo weli ay taagan tahay xiisada ku aaddan damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya.

Talyaaniga ayaa codsi casuumaad ah u soo diray qaar ka tirsan madaxda Afrika , waxaana codsigaasi ajiibay in ku dhaw 15 Madaxweyne oo qeyb ka ah madaxda dallaka Afrika.

Sida xogaha Hortabin Media ay helayso ay sheegayaan Ujeedka casuumaada Talyaaniga ayaa ah in ay dalalka Afrika ay kala munaaqashooto qorshaha la yiraahdo Piano Mattei, oo ay qubaradu ku macneeyeen inuu lamid yahay qorshihii Marshal Plan ee dagaalkii labaad ee dunida, kaas oo u jeedkiisu ahaa dhaqaale lagu caawiyey Yurub oo la doonayey in ay ka soo kabsato dihaalkii iyo burburkii ay dagaalada ka dhaxaysay.

Talyaaniga oo qorshaha Afrika kala hadli doona, ayaa geesta kale qorsheynaya in kulan gaar ah uu u qabto Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo soo afjaro xiisada dhanka biyaha ah ee labada dal u dhaxeysa.

Lama saadaalin karo, waxa uu ku soo idlaan doono shirkan oo dhawaan qabsoomi doona, waxaase jirta in ay adag tahay in labada dhinac la isku soo dhaweeyo.

Exit mobile version