Sunday, September 14

Soomaaliya ayaa waqtigan billawday tallaalid iyo daweynta xoolaha nool , sababo la xiriira saameynta uu isbaddelka cimilada sanadihii ugu danbeeyey ku yeeshay xoolaha la manaafacaadsado oo ay soo riteen xanuuno kala duwan.

Wasiirka wasaarada xanaanada Xoolaha Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay)oo arrintan ka hadlayey ayaa sheegay in qorshahan ay iska kaashadeen Wasaarada Xanaanada Xoolaha Soomaaliya iyo wasaaradaha xanaanada xoolaha ee maamul goboleedyada dalka  waxaana dhaqaalaha ku baxaya howshan Soomaaliya ka taageeray Bankiga Adduunka.

Isbaddelka Cimilada adduunka ee saameynta ballaaran ku yeeshay Soomaaliya ayaa sababay in cuduro badan oo ka dhashay ay si weyn u saameeyaan xoolaha dalka, taas oo waqtigan ahmiyad gaar ah u yeeshay in diirada la saaro talaalida iyo daweynta xoolaha nool sida uu tilmaamay Wasiirka Xannaanada Xoolaha.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Jubaland Maxamed Nuur Cali Nuuraani oo ka mid ah maamulada dowladda dhexe kala shaqeynaya taaba gelinta qorshahan ayaa bogaadiyey tallaabadan lagu talaalayo xoolaha Soomaaliya.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasarada Xanaanada xoolaha maamulka Galmudug Saleebaan Maxamed Salaax ayaa ka warbixiyey noocyada cudurada laga daweynayo xoolaha oo sida uu sheegay uu ka mid yahay xanuunka Furuqa.

Inkastoo 30-kii sano ee la soo dhaafay daryeelkii la rabay aysan helin xoolaha nool ee Soomaaliya, misana waxa ay qeyb ka yihiin waxyaabaha mudada aadka u dheer ay ku tiirsaneyd noloshada bulshada soomaaliyed, isla markaana la manaafacaadsado, waxaana xusid mudan in xoolaha soomaaliya loo iib geeyo dalal ay ka mid  yiihin kuwa Khaliijka. 

Exit mobile version