Wararka ka imaanya degmada Bardaale ee goobolka Baay ayaa sheegaya in uu ka dhacay dagaal u dhexeeyo ciidanka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan.
Dagaalka ayaa bilowday , ka dib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen degmada Bardaale oo ay ku sugnaayeen ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed, kaas oo sababay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana wararku sheegayaan in dadka dhintay uu ka mid yahay taliyihii saldhigga degmada Bardaale Aliyow Boorow.
Weli waxaa gudaha Bardaale laga dareemayaa raadkii dagaalka, waxaana jirta xiisad xooggan oo ka dhalatay dilka Taliyihii Saldhiga Degmadaasi.
Shacabka Badankooda ayaa ka barakacay degmada, sababo la xiriira cabsi laga qabo inuu mar kale halkaasi dagaal ka qarxo.