Saturday, September 13

Dowladda Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday taliyihii ciidamada xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage, iyadoo taliyaha cusub loo magacaabay Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in gollaha wasiirrada ay ansixiyeen soo jeedin ka timid wasaarada gaashaandhiga, taas oo  lagu magacaabayey taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka.

Taliyahan cusub ee ciidanka xoogga dalka loo magacaabay ayaa horey usoo qabtay xilal kala duwan oo ciidan, isagoo soo noqday taliyaha guutada 60-aad ee ilaalada madaxtooyada.

Magacaabistiisa ayaa ku soo aaddeysa xilli dhawaan lagu wado inuu billawdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo wadamada dariska ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya. 

Exit mobile version