Monday, September 15

(Hortabin Media)- Tan iyo weerarkii sabtidii ay Al Shabaab ku qaadeen saldhigii ciidamada dowladda ee deegaanka Coosweyne, waxaa raq iyo ruux la la’ yahay Korneel Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Shaah-macabe), oo ahaa ah Taliyaha guutada Khaalid Binu Waliid ee ciidamada xoogga dalka.

Taliyaha ayaa la rumeysan yahay inuu ku sugnaa saldhigii la weeraray, wuxuuna hoggaaminayey ciidamo tiradoodu gaareyso 2,000, oo lagu xoojinayey kuwa ka qeyb qaadanaya wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab.

In raq iyo ruux la waayo, ayaa ka dhigan, inuu ka mid ahaa ciidamadii ay Al Shabaab ku dileen halkaasi, kuwaas oo inta badan meydadkooda ay qaateen.

Waxaa sidoo kale cabsi xooggan laga muujinayaa in taliyaha uu yahay maxbuus, gacanta u galay Al Shabaab, isla markaana ay u qarinayaan hab sirdoon, si ay uga helaan xoggo kala duwan, maaddaama uu ka mid ahaa saraakiishii dejineysay qorshayaasha dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab.

Korneel Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Shaah-macabe), ayaa ka mid ahaa saraakiisha dhiifoon, ee dhiira-gelinta u ahaa ciidamada ka qeyb qaadanaya dagaalka Al Shabaab, waxeyna dadka yaqaana ay ku tilmaameen nin lahaa sifo hoggaamineed.

Si Kastaba, waxaa baraha bulshada buux dhaafiyey, dadka falanqeynaya xaaladda Taliyaha, waxaana qaarkood ay sheegayaan inuu geeriyooday halka kuwo kalana ay shaki galinayaan geeridiisa.

WQ: Ayaanle Qoyste

Exit mobile version