Saturday, September 13

Waxaa Somaliland ka goostay taliye ku xigeenkii ciidamada millatariga maamulkaasi, Janeraal Saleemaan Barre Geesood, kaas oo ku biiray xoogaga SSC, ee ka soo horjeeda ciidamada Somaliland.

Taliyaha waxaa si diiran Laascaanood ugu soo dhaweeyey bulshada gobolka Sool ee dagaalka kula jirta maamulka Somaliland.

Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inuu ka tanaasulay qadiyadii Somaliland ee ahayd gooni isu-taagga, wuxuuna ballan qaaday inuu ka bar bar dagaallami doono xooggaga SSC.

Arrintan ayaa dhabar jab xooggan ku noqoneysa millatariga Somaliland, xiili maalmihii ugu danbeeyey ay kordhayeen xubnaha ka goosanaya Somaliland ee ku biiraya SSC.

Somaliland weli kama hadlin taliyaha ka goostay, kaas oo hore u watay ciidamo fara badan, iyo hub isugu jira noocyo kala duwan.

Exit mobile version