Thursday, September 11

Iyadoo laga duulayo amarkii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in la dardar galiyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa maanta Taliyaha Ciidanka XDS S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin waxuu kulan la qaatay dhammaan Hoggaanada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliye Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Hoggaanada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed faray in looga baahanyahay hoggaan walba inuu kordhiyo shaqadiisa, lagana doonayo inuu diyaar u noqdo waajibaad Qaran oo rasmi ah.

“Waxaan Taliska Ciidanka ku soo kordhinay talisyo iyo hoggaano cusub, waxaana laga doonayaa inay qeyb weyn ka qaataan qorshaha socda ee ku saabsan dagaalka Argagixisada, dhismaha ciidanka, taakuleynta iyo sare u qaadista tayada Ciidanka Xoogga Dalka,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli habacsanaan laga dareemayo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee uu ku baaqay Madaxweynaha dowladda.

Exit mobile version