Saturday, September 13

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin  Ayaa Fiidkii Caawa kormeer ku tagay xerada  Gen Farxaan Qaroole Oo Talis u ah Ciidanka Haramcad.

Ciidamadaan  oo ah Kuwa  Si Gaar ah  u tababaran ayaana ka qayb qaatay Sugidda amniga magaalada Muqdisho, kana Hortagay falalka gurracan ee Khawaarijtu ku dhibaateeyaan shacabka soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka  ayaa uga Mahad celiyay sida feejignanta leh, iyo turida leh oo ay u guteen waajibaadkii ka saaranaa sugidda amniga muwaadiniinta soomaaliyeed, ayna tusaale u noqdeen ciidamada kale ee ay kala dhaxeyso shaqada ilaalinta nabad-galyada  dalka.

Taliyaha Ciidanka  ayaa faray ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciidanka, Boliska masuuliyaddooda koowaadna ay ka dhigtaan ilaalinta badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibbaneyaasha u ah dhagarta kooxaha Khawaarijta ah.

Exit mobile version