Friday, September 12

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Somaliyeed  ayaa kormeeray degaano hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe, kuwaas oo dhawaan laga saaray kooxda Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed sareeye guuto Dayax Abdi Cabdule ayaa kormeeray deeganada laga saaray kooxda Al Shabaab ee Janbaluul, Daniga Baalow, Baqdaad iyo Tuulooyin badan oo dhaca gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha hoose.

Taliyaha ayaa ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degaanadaas ku booriyey in ay sii laba jibaaraan dardar-gelinta howlgalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Mudooyinkii ugu danbeeyey deeganada isku xira labada Shabeelle, waxaa ka socday howlgallo halkaasi looga saarayo Al Shabaab, waxaana ka dhacay dagaallo xooggan oo sababay in Al Shabaab laga itaal roonaado.

Deegaanada isku xira labada Shabeelle, ayaa inta badan laga saaraa Al Shabaab, balse waxaa dhacda in ay ku soo noqdaan, iyagoo ka soo abaabula weeraro kala duwan.

Exit mobile version