Thursday, September 11

Waxaa raq iyo ruux lagu la’ yahay tahriibayaal tiradoodu gaareyso 40, kuwaaso oo doon ay saarnaayeen ay ku degtay xeebaha Talyaaniga.

Doontii ay dadkan saarnaayeen ayaa ku degtay Jaziirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga, waxaana weli socda baadigoob-kooda.

Doontan ayaa ka soo shiraacatay magaalada Sfax ee dalka Tunisia ayaa waxaa la socday 46 muhaajiriin ah oo u kala dhashay dalalka Cameroon, Burkina Faso iyo Ivory Coast.

Wakiilka UNHCR ee Talyaaniga Chiara Cardoletti, ayaa sheegay in dadka la la’yahay uu ku jiro ilmo yar, oo maalmo kooban ifka jooga, waxaana arrintan laga muujinayaa walaac ballaaran.

Exit mobile version