Friday, September 12

Dad Muhaajiriin ah, ayaa la soo werinayaa in lagu la’ yahay badda Mediterranean-ka, waxaana tahriibayaashan ay ka soo ambabaxeen dalka Liibiya.

Tirada tahriibayaasha la la’yahay ayaa lagu sheegayaa 34 qof, waxaana doontii ay saarnaayeen ay ku degtay dalka Tunisia sida ay daabaceen wakaaladaha caalamiga ah.

Doontii ay saarnaayeen tahriibayaashan ayaa ka soo shiraacatay xeebaha Liibiya, waxaana doonta ay ku saarnaayeen tiro dhan 70 qof, waxaase la soo badbaadiyey 34 qof.

Doontii ay saarnaayeen oo ku degtay xeebaha Tunisia ayaa keentay in magaalada Zarzis ee koonfurta dalkaasi laga soo bad baadiyo tahriibayaasha gaaraya 34-ta, waxaase weli la la’yahay tiro kale.

Sida ay warbixinadu sheegayaan isla toddobaadkan ciidamada Tunisia ayaa soo saaray meydka 5 tahriibayaal ah, waxaana dadkan badankooda ay ka yimaadeen Afrika.

Sanadkii aynu ka soo gudubnay 1,313 muhaajiriin ah oo ah tiradii ugu baneyd hal sano ayaa ku geeriyooday badda Mediterranean-ka sida ay sheegtay hay’ad xuquuqda aadanaha u dooda.

Exit mobile version