Friday, September 12

Baadigoobka boqolaal muhaajiriin ah oo ay Soomaali ku jiraan, ayaa ka socoda xeebaha Greece, oo doontii ay la socdeen ku dagtay.

Talaadadii aynu ka soo gudubnay ayey doontani ku dagtay xeebaha dalka Greece, waxaana ilaa iyo iminka inta la soo weriyey ay dhimashadu gaareysaa 78 qof oo ay ku jiraan caruur aad u da’yar.

Doontan dagtay ayaa ka soo sharaacatay xeebaha Liibiya, iyadoo ku sii jeeday dalka Talyaaniga, waxaana doontu ay ku dagtay meel 47 meel u jirta Xeebaha dalka Greece.

Dowladda Greece oo gurmad u sameysay dadkan ayaa soo badbaadisay 104-qof oo ay ku jiraan Soomaali, waxaana weli socda dadaalada lagu baadi goobayo tiro kale oo dad ah.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Greece, ayaa dadaal ugu jira sidii dadkaasi lagu heli lahaa, waana kuwo iminka la shaqeynaya Saraakiisha ciidamada badda ee dalka Greece.

Doonta degtay, waxaa la sheegay in ay saarnaayeen, dad gaaraya 700 boqol oo muhaajiriin ah, waxaana dowladda Greece ay u sameysay seddex maalin oo baroor diiq ah.

Exit mobile version