Friday, September 12

Ururka Cilmi baarayaasha Soomaaliyeed ee loo soo gaabiyo (SRA) ayaa daraasad ay sameeyeen waxa ay ku soo bandhigeen dhibaatada hareysay daadka qaba cudurka Aidis-ka.

Daraasada ayaa lagu ogaaday in dadkaas ay la kulmaan tacadiyo kala duwan iyo takoor.

Sida daraasada lagu xusay, ehelada qaarkood ayaa deyriyey xubno qoysaskooda ka mid ah, kadib markii xanuunka laga helay.

Waxaa sidoo kale kordhaya tirada dadkan, oo ay qeyb ka yihiin caruur aad u da’yar, kuwaa oo qudhooda la kulmaya naceyb iyo takoor aad u weyn.

Bukaanada kuwa ka tirsan ayaan si toos ah u qaadan daawada kaalmaatiga ah, sababo ku wajahan baqdin ay ka muujinayaan in lagu arko goobaha dawooyinka laga bixiyo.

Arrintan ayaa qeyb weyn ka qaadan karta in cudurku ku baaho dalka, waxeyna ku talinayaan cilmi baarayaasha in la sameeyo wacyi galin deg deg ah.

Exit mobile version