Golaha Khuburada Iiraan oo Fatwooday ayaa ka dhawaajiyey in la dilo Madaxweynaha Mareykanka iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, hadalkaas oo muujiyey kala qeybsanaanta ka jiray gudaha Iraaan.
Waxaa soo baxay kala qaybsanaan aan caadi ahayn oo ka dhex taagan Golaha khuburada Iiraan oo ah hay’adda ugu sarreysa culimada diinta ee Iiraan.
Ku dhowaad saddex meelood laba meel xubnaha golaha oo ka kooban 88 xubnood ayaa soo saaray fatwo diimeed ay ku baaqayaan in la dilo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.
Fatwada ayaa sheegtay in ay waajib ku tahay Muslimiinta inay dilaan labada hoggaamiye haddii ay fursad u helaan.
Si kastaba ha ahaatee, maamulka Golaha Khubarada ayaa ku tilmaamay fatwadan “mid aan caadi ahayn”, iyagoo sheegay in waxa ku qoran ay u baahan yihiin dood iyo falanqeyn dheeraad ah.
Fatwadan oo ay soo saareen xubno mayal adag ayaa lagu daray warqad loo diray shacabka Iiraan. Warqaddaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in Tehran aysan ahayn inay oggolaato furitaanka Marin-biyoodka Hormuz ama in barnaamijkeeda nukliyeerka lagaga hadlo wada-hadallada ay la leedahay Maraykanka.
Doc-kastaba Fatwadan ayaa ku soo aadeysay xilli Iiraan ay weerartay saldhigyo Mareykanku leeyahay, isla markaana Donald Trump uu ku dhawaaqay in diyaaradaha Mareykanka ay beegsadeen gantaalada Iran iyo bakhaarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo goobaha raadaarka ee xeebaha.

