Monday, September 15

Tabasho xooggan ayaa laga muujinayaa deegaanadii dhawaan soo galay gacanta dowladda, kuwaas oo dadka ku nool aanay helin adeegyadii bulshada muhiimka u ahaa.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa sheegaya in ay ku adag tahay helista biyo ay cabaan, sababo la xiriira Al Shabaab oo duugay ceelashii ay cabi jireen, kadib markii laga itaal roonaaday.

Waxey sidoo kale carabka ku dhufteen in ubadkooda aanay heysan waxbarasho diini ah ama mid maadi ah, taas oo saameyn ku yeelaneysa mustaqbalka jiilka ku dhaqan deegaanadaasi.

Waxyaabaha muhiimka u ah bulshada ee aanay dadkaasi heysan ayaa waxaa qeyb ka ah caafimaadka, waxaana inta badan dhacda in ay umul raacdaan haweenka uurka leh.

Waxgaradka deegaanadaasi ayaa dowladda ugu baaqay in ay la timaado qorshe, ay ku baddeleyso nolosha dadka deegaanadan oo muddo badan ay caddaadinayeen Al Shabaab. 

Exit mobile version