Taliyaha Akadeemiyada Boliiska S/Guuto Cabdikariin Xuseen Macalin ayaa maanta furay tababar ku saabsan wada shaqeynta bulshada iyo Boliiska (Community Policing ).
Furitaanka tababarka waxaan goobjoog ka ahaa Taliyaha hoggaanka tababarada Ciidanka Boliiska Soomalaiyeed G/Dhexe Axmad Maxamed Axmad, Taliyaha hoggaanka xiriirka Bulshada G/le Qaali Axmad Caddaan iyo Saraakiil ka socotay ATMIS Police.
Tababarka ayaa waxaa ka qeybgalay dhalinyarada qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir iyo Saraakiil iyo ciidan ka tirsan Boliiska Soomalaiyeed oo loo diyaarinayey inay ka wada shaqeeyaan wanaajinta xiriirka Bulshada iyo Boliiska ka dhaxeeya.