Sunday, September 14

James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa loo magacaabay inuu noqdo sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Wuxuuna noqonayaa ninka majaraha u heynaya Xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa  James Swan xilkan u magacaabay waana mid si KMG ah xilkan u sii haynaya, Maaddaama ay shaqada ka fadhiisatay Gabadhii u dhalatay Ingiriiska ee Catriona Laing.

Antonio Guterres ayaa uga mahadceliyey Catriona Liang shaqadii ay ka soo qabatay xafiiska UNSOM iyo weliba Soomaaliya xilligan adag, wuxuuna u rajeeyey guul iyo bog cusub oo nololeed.

Sida ku cad taariikhdiisa James Swan ayaa ah diblomaasi khabiir ah oo aqoon durugsan u leh siyaasadaha Afrika, wuxuuna hore u soo noqday wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, intii u dhexeysay 2019 illaa 2022.

Sidoo kale Ka hor xilkaasi wuxuu soo noqday Danjiraha Maraykanka u fadhiya Jamhuuriyadda dimoqraadiga ah ee Congo, intii u dhexeysay 2013 illaa 2016, isaga oo sidoo kale soo noqday wakiilka gaarka ah ee dawladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhexeysay 2011 illaa 2013.

James Swan ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay wasaaradda arrimaha debedda Maraykanka oo ay ku jirto inuu soo noqday ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha debedda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika intii u dhexeysay 2006 illaa 2008.

Exit mobile version