Monday, September 15

Alle ha u naxariistee waxaa maanta shil gaari ku geeriyooday Suldaan Afgaduud oo ka tirsan musharaxiintii u taagnaa qabashada kursiga ugu sareeya maamulka Puntland.

Shilka gaari ee uu ku geeriyooday Suldaan Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf (Afguduud) ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Qardo iyo Boosaaso.

Shilkan waxaa sidoo kale ku dhaawacmay weriye Cabdikaamil Yuusuf Maxamuud oo ka mid ahaa warfidiyeenadii wehlinayey Suldaan Afgaduud.

Suldaanka ayaa ka mid ahaa isimada maamulka Puntland, wuxuuna door weyn ka soo qaatay nabadeynta khilaafaadka siyaasadeed ee uu maamulkaasi wehelka u noqday sanadihii la soo dhaafay.

Exit mobile version